Xarunta Degmada beledxaawo oo labililiqaystay +SAWIRRO

507

Wararka ka imaanaya degmada Baled Xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi goordhaw ka dhacay banaan bax rabshado xoogan watay oo ay dhigayeen qaar kamid ah shacabka ku dhaqan degmadaasi.

Banaan baxayaasha oo ka careesnaa dhallinyaro deegaanka ah oo ciidamada Nabad Sugida ku xir xireen degmadaasi kuna jirdileen xabsiga ayaa isugu soo baxay qeybo kamid ah degmada Baled Xaawo.

Dadka banaan baxa dhigayay ayaa markii dambe xoog ku galay xarunta maamulka degmada Baled Xaawo , waxa ayna dab qabadsiiyeen qeybo kamid ah xarunta degmada , iyagoo sidoo kale banaan baxayaasha wadooyinka ku gubayeen taayaro.

Ciidamada Nabad Sugida ee ku sugan degmada Baled Xaawo ayaa markii dambe rasaas ku furay dadka banaan baxa dhigayay, waxaana wararka aan helnay sheegayaan in khasaaro ka dhasheen rasaasta ciidamada fureen.

Masuuliyiinta maamulka degmada iyo Odayaasha Baled Xaawo ayaa kusoo baxay banaan baxayaasha ,waxa ayna ka codsadeen in xaalada la dejiyo lana xalinayo waxyaabaha keenay in ddaku banaan baxaan.