Yuusuf Garaad oo layaab kutilmamay Qoondada Haweenka

1657

Maxay dheheen?

Bal Soomaaliyeey daya.

Ku yeen kuraasta Baarlamaanka ee ay Gabdhuhu ku fadhiyeen 2016 ilaa 2020, haddana gabdho oo keliya ayaa u tartami kara oo fariisan kara 2020 ilaa 2024 laga gaarayo!

Waan taageersanahay in haweenka loo qoondeeyo 30% kuraasta Baarlamaanka iyo waliba ka badan. Ma aha hadda uun ee Baarlamaanka hortiisa ayaan ka caddeeyay mar aan 2012 galay olole siyaasadeed oo aan cashar ka bartay laakiin aanan ku guuleysan.

Waanse ka biyo diiddan ahay ra’yiga ah in kursi kasta oo hadda ay Marwo Xildhibaanad ahi ku fadhido la yiraahdo gabdhaha oo keliya ayaa u tartami kara.

Waa tab qeyb ahaan sax ah oo xaqiijin karta in aan saamiga gabdhuhu hoos uga dhicin inta uu hadda yahay oo ah 24%.

Waa ujeeddo wanaagsan oo loo maray wadiiqo gurracan.

Waayo waxay caddaalad darro ku tahay gabdhaha iyo ragga labadaba.

Sidee?

Gabdhuhu waxay Baarlamaanka hadda jira ka yihiin 24%.

Haddii soo jeedintan la hadal haayo loo raaco, Gabdhaha waxaa u soo laabanaya kuraasta ay hadda fadhiyaan. Ma gaari doonaan 30% kuraasta Baarlamaanka, saamigaas oo ah sida lagu heshiiyay. Markaa waxay ka hor imaaneysa danta guud ee gabdhaha iyo inta taageerta caddaaladda.

Dhanka kale waxay soo jeedintani caddaalad darro ku tahay ragga ay gabadhu ku metesho Baarlamaanka.

Afar sano ayay sugayeen in kursiga jifada ee gabadhu ay ku metasho uu 2020 u wareego jifo kale. Taas oo suurta gelin in ragga jifadu ay markooda fursad u helaan xaqa ay u leeyihiin in ay tartamaan iyada oo aan saamiga gabdhuhuna hoos u dhicin.

Waxaa kale oo ay caddaalad darro ku tahay gabdhaha jifooyinka kale ee Isla beesha kursigu kala dhexeeyo Marwadaas oo qoondada haweenka ee 2016 aanay ku soo aadin jifadooda. Waxay gabdhahaasi jeclaan lahaayeen in qoondada gabdhuhu ay meerto ahaato oo kurisga jifadooda, markooda loo asteeyo gabdhaha.

Macnuhu waa in hal jifo aan raggeeda siyaasiyiinta ah meeli uga bannaaneyn in ay kursi Baarlamaan u tartamaan siddeed sano. Waa 2016 ilaa 2024.

Iyada oo gabdhaha jifooyinka kale ee isla beeshaas ahi aanay kursi Baarlamaan haweysan karin isla muddadaas 2016 ilaa 2024.

Intaas in la fahmo uma baahna caqli badan. Maxaa markaas ay Xildhibaannadu u soo hadal qaadeen sheekadaan caqli ku ciyaarka ah?

Waxaad arkeysaa in ra’yigani uu ku saleysan yahay in Xildhibaannada kuwooda ragga ah uu mid kastaa isa siiyay kursiga oo uu doonayo in uu xeer ka dhigo in aan gabari u tartami karin ‘kursigiisa’.

Sidoo kale in ay Xildhibaannada gabdhaha ah ay mid kastaa isa siisay kursiga oo aanay dooneyn in ‘kursigeeda’ laga dhigo kursi uu raggu kula tartami karo.

Sidaas darteed, waxay u eg tahay in Xildhibaannada Baarlamaanka, si xoshood la’aan ah uu mid waliba doonayo in uu isagu isu fekero.

Oo uu dejiyo xeer kursigiisa ka hor istaagaya jinsiga kale xataa haddii ay tahay ku celis oo siddeed sano laga sugayo.

Waxay ila tahay, haddii ay taasi dhacdo in ay noqoneyso daneysi mutuxan iyo mas’uuliyad darro aan ku koobneyn Baarlamaankan ee la dhaxalsiinayo Baarlamaanka soo socda.

Hey’adaha Garsoorka waxaa la gudboon in ay dhugtaan sharciyadda arrinkan.

Haddii lagu gabbado in ay siyaasad tahay oo aan Maxkamadi shaqo ku lahayn, rajada waxaan rajeynayaa in Axsaabtu aanay arrinkaa aqbalin.

Dow ma aha in Xildhibaanka keligiis uu go’aan ka gaaro jinsiga loo asteyn doono kursigiisa marka isaga xilligiisu dhammaado.

Dow ma aha in Xildhibaanka keligii wax laga weydiiyo waxa kursigiisa laga yeeli doono marka isaga xilligiisu dhammaado.

Adiga maxay kula tahay?

W/Q Yuusuf Garaad Cumar