Aqri Beelaha ay kasoo kala jeedaan xildhibaanada saxiixay mooshinka C/Wali

Xog hoose oo ay heshay shabakada Alldhacdo ayaa sheegeysa in Xildhibaanada Mooshinka lagu ridaayo Ra’isul wasaare Cabdi Weli Sheekh Axmed gudbiyay ay yihiin kuwa u badan Beelaha Hawiye iyo Dir, balse ay sidoo kale ku jiraan kuwa Daarood, kuwaas oo si cad u taageersan Madaxweyne Xassan Sheekh.
wardoon.net oo dadaal u gashay helida Xog rasmi ah oo ku saleysan Mooshinka, gaar ahaan xildhibaanada saxiixay tiradooda dhabta ah, tirad golaha wasiirada ee mooshinka saxiixday iyo ugu dambayntii Beelaha ay kasoo kala jeedan.

Xogtaani waxaa nala wadaagay Mas’uul sare oo katirsan Dowlada Somalia kaasi oo Jago culus ka haaya Xarunta Madaxtooyada Somalia, balse aan dooneyn in la magacaabo.

Mooshinka waxaa saxiixday 140 Xildhibaan oo isugu jiro xildhibaano caadi iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumada Ra’isul wasaare Cabdi Wali Sheekh.

Haddaba qaabka ay Mooshinka u kala saxiixeen Beelaha Soomaaliyeed ayaa kala ah:-

Beesha Daarood: 25 xildhibaan

Beesha Hawiye: 30 xildhibaan

Beesha Direed: 30 xildhibaan

Beesha Dugil iyo Mirifle: 29 xildhibaan

Beesha shanaad: 26 xildhibaan

Sidoo kale, Xogta ay Alldhacdo heshay ayaa tibaaxeysa in tirada Wasiirada ee taageersan mooshinka ay yihiin 20 isugu jira wasiir iyo wasiiro ku xigeen.

Beesha Daarood: 1 wasiir

Beesha hawiye: 6 wasiiro iyo wasiirku xigeeno

Beesha Dir : 3 wasiir iyo ku xigeeno

Beesha Digil iyo Mirifle: 4 wasiir iyo ku xigeeno

Beesha shanaad: 6 wasiir iyo ku xigeeno

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook