Arsenal oo doonaneysa difaaca Manchester United Chris Smalling

Wararka ka imaanaya magaalada London ayaa waxay xaqiijinayaan in kooxda Arsenal calaamadeysatay in bisha Janaayo marka uu furmo suuqa iibsiga ciyaaryahanada ay doonato wiilka Manchester United‘ qeybta daafaca ugu dheela ee Chris Smalling.

kooxda Gunners ayaa soo wajahday dhibaato difaac xumo ah,iyadoo difaacyo dhowr ah ay ka dhaawacmeen,sidoo kalena , difaacoodiii weynaa ee Thomas Vermaelen isaga tegey kooxda markii la iibiyey.

The Mirror ayaa ku warantay tababare Arsene Wenger inuu qorsheynaayo in Smalling uu geeyo Emirates, hadii tababaraha Red Devils m Louis van Gaal uu aqbalo in 24-sano jirkaasi la diro.

Difaacii hore kooxda-Liverpool Jamie Carragher ayaa dhowaan sheegay in kooxda Arsenal ay u baahan tahay in ugu yaraan ay hesho labo difaac marka uu furmo daaqadda iibka ciyaaryahanada bisha January ee sooo sanadka 2015,waxaana jirta in kooxda aysan awoodin ineey difaacato goolasha ay kooxaha kale kasoo dhaliyaan,iyadoo la xusuusto kulankii Anderletch oo Gunners 3-0 ku hormartay looga dhigay aaqirkii 3-3.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook