Ciidamo ka tirsan Milatariga oo ku biiraya Mamulka Madoobe Nuunow. +COD

Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya oo ku sugan Duleedka Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ay ku biirayaan Maamulka Lixda Gobol ee Koofur Galbeed Soomaaliya ee uu Hogaamiyo Madoobe Nuunoow Maxamed.

C/wahaab Cismaan Aadan oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Xoogga ee ku sugan Barriga Magaalada Kismaayo oo lahadlay Radio Kulmiye ayaa sheegay in ay Qorsheeynayaan ku biirida Maamulka Madoobe Nuunoow,waxaana ay sababta ku sheegeen in ay tahay Dhibaato ay ku qabaan Maamulka KMG ah Ee Jubba.

“Anaga waxaan aheyn Ciidamadii Magaalada Kismaayo kula Dagaalamay Axmed Madoobe oo Mudo Labo Sanno ku dhaw ku sugan Duleedka Kismaayo,Axmed Madoobe Heshiiskii lagu soo xareenayay Ciidamada la dagaalamay wuu ka baxay ,Anagana waxaan go’aan sanay in aan ku biirno Maamulka Lixda Gobol Ee Koofur Galbeed”ayuu yiri Sargaalkaasi lagu magacabo C/wahaab.

Sargaalka ayaa la weydiiyay Sababta keentay in ay ku biiraan Maamul aan la Aqoonsaneeyn oo ah kan Lixda Gobol,waxaana uu ku Jawaabay in Dadka Soomaaliyeed  uu yahay Dad wada Dhashay sidaana aan ugu biireeyno.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook