Cristiano Ronaldo oo sheegay inuu siijoogi doono real madrid

Cristiano Ronaldo ayaa sheegay inuu doonayo inuu qandaraaskiisa ku dhameysto Real Madrid, iyadoo ay ka harsan tahay ku dhawaad afar sanno.

Xiddiga reer Portugal oo 29 sanno jir ah ayaa lala xiriirinayay inuu ku laabanayo Manchester United kuwaasoo uu ka tagay kuna biiray Real Madrid 2009kii markaasoo uu noqday xiddigii ugu qaalisanaa adduunka isagoo lagu iibsaday 80 milyan ginni.

Ronaldo ayaa la gudoonsiiyay shalayto kabta dahabka Yurub ka dib markii uu 31 gool ka dhaliyay La Liga xilli ciyaareedkii hore.

“Waxaan rajeynayaa inaan qandaraaskeyga ku dhameysto Real Madrid marka aan gaaro da’da 33 sanno jir, ka dib waan arki doonaa haddii ay doonayaa inaan sii joogo” ayuu yiri Ronaldo.

“Waxaan dareemayaa inaan da’ yarahay, inaan ciyaaraha ka fariistana iima soo dhawa.”

Ronaldo ayaa abaalmarinta kabta dahabka Yurub waxa uu la wadaagay xiddiga reer Uruguay Luis Suarez kaasoo 31 gool isna Premier League ka dhaliyay xilli ciyaareedkii hore ka hor inta uusan ka tagin Liverpool kuna biirin Barcelona heshiis ku kacay 75 milyan ginni.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook