Degmada Baraawe oo noqonaysa caasimada maamulka Saddexda Gobol ee Koofur Galbeed Soomaaliya

Magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelada Hoose ayaa lagu wadaa in ay noqoto magaalo madaxda maamul goboleedka Koonfur Galbeed ee dhismihiisa ka socdo magaalada Baydhabo, sida uu dhigayo qodob ka mid ah dastuurka halkaasi ay ku ansixiyeen ergada shirka ka qeybgalaysa.

Magaalada Baraawe ayaa caasimadnimada ka qaaday Magaalooyinka Baydhabo iyo Marka oo aad loo filayay in midkood uun noqon doono xarunta maamulkani cusub ee curanaya.

Xarumaha Maamulka ayaa la filaaya in laga raro magaalada Baydhabo, islamarkaana la geeyo Baraawe sida ay codsadeen Odayaasha shirka ka qeybqaadanaayo.

Dhanka kale, Hoolka shirka ayaa waxaa isla maanta lagu soo bandhigay Calanka lagu aqoonsan doono Maamulka Koonfur Galbeed, waxaana ay soo bandhigeen calan la mid ah midkii ay horay u sameysteen maamulka Lixda gobal ee uu hogaamiyo Madoobe Nuunoow Maxamed.

Gudiga shirka iyo waxgaradka ayaa shaaciyay in mudooyinka nagu soo beegan ay u jiheysan doonaan Doorashada Guddoomiyaha, iyagoona Tilmaamay in iminka uu shirka marayo heer gabogabo.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook