FOWZI KHAALID OO 13-SANO KU XIRNAA GUANTANAMA BAY OO LA SII DAAYAY+ sawiro

Fawzi Khaalid oo u dhashay dalka Kuwait ayaa waxaa uu 13 sano ku xirnaa xabsiga Guantanamo Bay ee Mareykanku leeyahay ayaa dib ugu soo noqonaya dalkiisa kaddib markii la sii daayay.

Fawzi Al-Odah ayaa ka mid ahaa maxaabiista waqtiga ugu dheer ku xirnayd xabsiga Mareykanka uu ku leeyahay Cuba ee lagu dhibaateeyo muslimiinta.

Garyaqaankiisa ayaa sheegay in uusan qabin wax xumaato ah oo la xiriira xiritaankiisa, oo uu ku faraxsanyahay in uu dib ugu soo laabto dalkiisa.

Al-Odah ayaa laga qabtay waqooyiga Pakistaan iyadoo lagu eedeeyay in uu xirriir dhaw la lahaa Ururka Al-qaacida.

Obama ayaa horay u balan qaaday in uu albaabada isugu dhufan doono xabsiga Guantanama ee lagu xabiso dadka muslimiinta ah,balse waxaa muuqata in wali aysan waxba ka suura galin hadalkii Obama

Fawzi al-OdahKUWAIT-US-GUANTANAMO

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

One thought on “FOWZI KHAALID OO 13-SANO KU XIRNAA GUANTANAMA BAY OO LA SII DAAYAY+ sawiro”

  1. maxamed says:

    waxa war joga marka obama watigisu dhamado,oo talada wadanka maraykanka uu lawarego nin kamid ah xisbiga jamiriga,markas maxa adunka ka dhici dona??.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook