Garoonka Diyaaradaha Galmudug Oo Shaqadisa Bilaabay Iyo Wafdi Ka Soodagay+ Cod +Sawiro

Wafdi uu Hogaaminayay Wasiirka Gaadiidka Cirka Iyo Dhulka Galmudug oo isugu Jiray Wasiiro ka tirsan Galmudug injineero Ka Socday Ha,da U qaabilsan Garoomada Iyo Saadaasha Hawada Dowlada FDK Somaliya Iyo Xubno Kale Oo Ganacsato Ah Ayaa Waxaan garoonka Diyaaradaha Oshaco Airport Ee Ku yaala Duleedka Koonfured Ee Magaalada Gaalkacyo Galmudug Si Diiran Ugu Soo Dhaweeyay Qaar Ka Mida Labada Gole Ee Dowlad Goboleedka Galmudug Saraakiisha Ciidamada iyo Boqolaal Shacaba.

Imaatinka kadib ayaa Waxaa Saxaafada Gudaha Garoonka Kula Hadlay wasiirka Gaadiidka Cirka Iyo Dhulka Galmudug .Cabdi tiixyare Wuxuuna Sheegay in uu Ku faraxsanyahay Habsami u socodka Shaqada Airporka.Isla Markaana ay Ka Soo dagi karaan Diyaaradaha Waaweyn ee Rakaabka Iyo in uu Suganyahay Amaankiisu.

Dhanka kale Injineer Max’ed Axmed Oo ka Mid Ahaa Quburadii ay Dowlada Somaliya u soo Xilsartay In ay Soo Kormeeran Howlaha Garoomada Gaalkacyo ayaa Isna Dhankiisa U Mahadceliyay Dadkii Soo Dhaweeyay Wuxuuna Xusay In ay Qiimayn Ku Samayn Doonaan Garoonka Oshaco Si Tayada Iyo Baaxadaba Isla Sidoo Kalena ay Indha Indhayn doonaan Garoonka Weyn Ee Gaalkacyo.

Ujeedka Imaatinka Wafdigaan ayaa ku qotoma Sidii loo Xalin Lahaa Muran Dhawaan ka Jiray Isticmaalaka Garoonka Weyn Ee Gaalkacyo taasi oo ay Xuseen Saraakishan in ay u Kuurgali Doonaan,Hayeeshe waxaa Maanta Si Rasmi Ah Shaqadiisu u Socotay Garoonka Oshaco oo Ka Mida garoomada ay Dhisteen Ganacsatada Galmudug Kadib Xayiraad uu Dhawaan Saaray Dowlad Goboleedka Galmudug Dhamaan Garoomada diyaaradaha Ee Gaalkacyo Arinkaa Oo ka denbeeyay kadib Markii uu Maamulka Puntland Ka Soo yeeray in ay xireen Garoomada Galmudug.

HOOS KADHAGAYSO WASIRKA GADIIDKA EE GALMUDUG OO SHARXAYA

 

air1 air2 air3 air4 air5 air6
aa aa1 aa2

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook