Gudoomiyaha Maxkamada Sare Caydiid Ilka Xanaf oo qarka u saaran in saacadaha soo sacda uu Is Casilo

Warar hoose oo aan helnay ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka, Ceydiid C/llahi Ilka Xanaf uu wado qorsho uu ku doonaayo inuu xilka Isaga Casilo.

Arrintaani ayaa waxaa xaqiijiyay Xubno ka Tirsan Golaha Garsoorka oo sheegay in Ilka Xanaf uu gudbiyay warqado uu ku doonaayo in laga aqbalo go’aanka Is Casilaadiisa.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in ay sabab u tahay Iscasilaadda Guddoomiyaha, Xeer Ilaalinta Qaranka oo Shaqadiisa qeyb kamid ah faraha lagalay, Shaqadana ka Eryay Garsoorayaal aqoon buuxda u lahaa Howlaha Maxkamadda sare kuwaasi oo aan la tashi lagala sameyn Ilka Xanaf .

Dhanka kale, Xubnaha ayaa Tilmaamaya in Ilka Xanaf uu aad uga careysan yahay Faragalinta lagu hayo Xafiiskiisa, isagoona dhowr jeer arrintaasi u gudbiyay Madaxweyne Xassan Sheekh Hayeeshee uusan wax kaqaban arrintaasi.

Xeer Ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa dhawaan shaqada ka Eryay Garsoorayaal badan kuwaasi oo aan lagala tashan Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka, Ceydiid C/llahi Ilka Xanaf.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook