Jose Mourinho oo Nemanja Matic kutilmaamay Makelelelaha cusub ee Chelsea

Macalinka kooxda Chelsea Jose Mourinho ayaa amaan kala duldhacay Cayaaryahankiisa Khadka dhexe ee lagu magacaabo Nemanja Matic kaas oo uu gaarey in uu u adeegsado kuna tilmaamo in uu lamid yahay Cayaaryahankii weynaa ee khadka dhexe kadagaalami jirey sida weyn looga yaqaanay ee Claude Makelele oo uu sheegey in uu lamid yahay qaabka uu dhexda uga qabto shaqadii looga baahnaa.

Macalin Mourinho ayaa sidoo kale waxa uu amaanay Cayaaryahanada daafaca kacayaara ee kala ah John Terry iyo Gary Cahill oo iyaguna qabsaday shaqadii looga baahnaa maadama Naadiga Chelsea aan weli laga badin tan iyo bilaawgii Horyaalka dalka Engalnd.

Hadalka Macalinka Chelsea ayaa kadanbeeyey kadib kulankii adkaa ee ay shalay dirqiga uga badiyeen kooxda ay isku magaalada yihiin ee QPR oo ay ku garaaceen 2-1 inkastoo ay guusha kuqaateen Rigoore muran badan lagaliyey Macalinka ayaase canaan kala dul dhacay taageeryaasha kooxda Chelsea ee kusugnaa Garoonka isagoo sheegey in ay ula mid ahayd kooxdiisa sidii iyagoo ku cayaaraya Garoon faaruq ah maadaama ayuu yiri ay iska aamusnaayeen intii ay socotey Cayaartii shalay ay ladheeleen Queens Park Rangers.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook