Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Itoobiya Looga Yeeray Iyo Sababta Uu Uaaday

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka amba baxay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana uu aaday dalka Itoobiya, gaar ahaan caasimadda wadankaasi ee Adis Ababa.
Warar hoose oo ay heshay Shabakada warbaahinta wardoon.net ayaa waxay sheegayaan in madaxweynaha halkaasi looga yeeray, walibana ay u waceen IGAD iyo Midowga Afrika.
Arinmta lagala hadli rabo ayaa ah Khilaafka kala dhaxeeya Cabdiweli Sheekh iyo sida ugu macquulsan ee Khilaafkaasi loo xalin karo.

Waxaa laga yaabaa in Madaxweynaha ay ka codsadaan in uu isaga tanaasul u sameeyo Cabdiweli, islaamarkaan uu aqlabo isku shaandheynta, si loo helo xal waara.

Hadda dowladda Soomaaliya madaxdeeda ma joogaan xilligii KMG ahaa, ee cadaadiska xoogan la saari jiray, amaba wax la fari jiray, hadda dowladda waa mid aan KMG ahayn, awoodna u leh in go’aan ay qaadato.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

One thought on “Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Itoobiya Looga Yeeray Iyo Sababta Uu Uaaday”

  1. maxamed says:

    Rerayohow garqata oo adunka ka xishoda oo ilahay kabaqa oo jojiya waxa aad wadan,adunkii waa idinku warwray ummadi somalida waa shidowday meel layiin raco lama yaqan waxad rabtaan lama yaqan,dadkii intii idin kahrtay waxii aad horay udhameysen wali waad u’oman tihin in aad hanbada hartay isracian,sida silac leh ee aad dawladnimada uqalicinaysan kadaya daladnimadu sidas ma ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook