Manchester City OO qaati kataagan qaab cayaareedka Yaya Toure

Kooxda kubada cagta Manchester City ayaa qaati kataagan qaab cayaareedka cayaaryahankeeda khadka dhexe ee Yaya Toure kadib markii uu sanadkaan la yimid qaab cayaareed aan wanaagsanayn waxaana lasheegayaa in markaan uu Macalinka kooxdaas uu suuqa karaadin doono midkii isaga lagu badali lahaa.

Cayaaryahanka Yaya Toure ayaa waxa uu ka mid yahay raga ugu mushaarka badan Horyaalka dalka England isaga oo Naadiga Manchester City ka qaata  £225,000 Todobaad walba waxaana Milkiilaha kooxda City Sheekh Mansoor waxa uu doonayaa in uu markaan ka cawaaiyo Macalin Manuel Pellegrini sidii uu ku heli lahaa badalka 31 jirkaan oo la saluugsanyahay qaab cayaareedkiisa xiligaan.

Yaya Tour ayaa kulankii u dambeeyey ee koobka Champions League waxa uu qaatay calaamada casaanka ah inkastoo uu dhaliyey goolka bareejada hadana si aan wanaagsanayn ayuu u qaatay calaamada casaanka ah waxaana uu markii danbe kabixiyey raali garayn isaga oo qirtey in uu qalad ku qaatay Roosaha.

Tan iyo markii uu dhamaaday Xili cayaareedkii hore ayna dhacday xurguftii dhex martay isaga maamulka kooxda Man City oo imaan waayey xafladii dhalshadiisa waxaa Cayaaryahankaan laga dareemayey hoos dhac weyn oo dhanka Cayaaraha ah.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook