Michel Platini: “semi-finalka iyo final Champions League ee 2022,lama ciyaari doono waqtiga caadiga ah

Xiriirka kubadda cagta ee UEFA ayaa qorsheynaaya in kulamada nus-dhamaadka iyo kama dambeeysta koobka Champions League ee 2022-ka la ciyaari doono bisha June ,maadaama xiliga kuleylaha ay kusooo aadeyso martigelinta World Cup ee dalka Qatar,waxaana qorshahaasi ku dhawaaqey madaxweynaha UEFA Michel Platini.

Platini ayaa yiri”Xal ka gaarista waqtiga tartankaasi uu dhici doono waa wax iminkaba la qorsheyn karo,maaha  ‘Waqti sidaa u Fog’ wax dhibaato ahna kuma jirto in lasoo hormariyaa Bil kulamadaa kama danbeysta ee Champions League -Muhiimadu waa in wax uun lagu heshiiyaa xiligaa kahor”

Gudiga sare ee Xiriirka FIFA ayaa Isniintii ka shiray arimahan Koobka aduunka ee Qatar,waxaana xoghayaha guud ee FIFA Jerome Valcke uu yiri”November/December 2022 iyo January/February 2022 Intaba waa mid in la go’aamiyo u baahan,dadka qaar waxay door bidayaan in bilaha June iyo July laga dhigi,laakiin go’aanka ugu dambeeya wuxuu soo bixi doonaa bisha March ee sanadka danbe”
Platini, oo ka hadlayey booqashadiisii ugu horeeysay ee uu ku tegey  St George’s Paeyrk, dalka England oo ah xarunta Xulka Kubadda cagta ee England” Uma arko wax dhibaato ah arintaan go’aankeeda maxaa yeelay qabashada tartamada kama hor imaanayaan koobka Champions League, weeynu dhaqaajin karnaa sanadka 2022 gaar ahaan labada kulan ee semi-finalka iyo kama dambeysta final in la dheelo bisha June,oo lasoo hor mariyo wax dhibaaato ah malahan”.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook