Mooshin ka dhan ah R/Wasaaraha Soomaaliya oo Goordhaw loo Gudbiyay Gudoonka Baarlamaanka

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya si weyna u taageersan Siyaasada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goordhaw Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya waxa ay u gudbiyeen Mooshin ka dhan ah R/Wasaare Cabdi Wali Sheekh Axmed.

Warar aan ka helnay ilo Muhiim ah oo katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa noo xaqiijiyay in Xildhibaano ku dhaw Boqol ay saxiixeen Mooshin ka dhan ah R/Wasaaraha Soomaaliya ,Mooshinkaa oo goordhaw gacanta loo galiyay Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya.

Mooshinka ka dhanka ah R/Wasaaraha Soomaaliya ay gudbiyeen Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dabka kusii shidaya Khilaafka xoogan ee u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya iyo R/Wasaare Cabdi Wali Sheekh Axmed.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ukala qeybsamay labo dhinac, kuwaa oo taageero u kala muujiyay Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha, waxaana mudooyinkii dambe Muqdisho ka socday kala kasbasho ku aadan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook