Muran ka taagan sharci ahaanshaha mooshan ka dhan ah Ra’iisal Wasaaraha oo shalay loo gudbiyay kuxigeenka Guddoomiyaha Baarlamaanka+ Cod

Waxaa soo baxaya muran iyo diidmo qayaxan oo ka imaanaya Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, kadib markii shalay tiro lagu sheegay 140 Mudane ay gudbiyeen mooshin ka dhan ah Ra’iisul Wasaare C/wali Sheekh Axmed Maxamed in kastoo tirada warqada ku qoran laga yaabo in qaarkood laga been abuuray maadama tirada Xildhibaanada muqdisho ku sugan la wada og yahay.
Shakiga ugu badan ayaa ah sax ahaanshaha tirada la sheegay inay saxiixday, hadii ay sax tahayna waxaa cad in Ra’iisul Wasaaruhu kalsoonida weyn karo, maadaama 139 cod oo la mid ah 50+1 uu daaqada ku baxayo.

Laakiin Xildhibaano ka soo horjeeda Mooshinka ayaa diidan sharci ahaanshaha Mooshinkan iyo sida loo aqbalay, waxaana jirta in xilligan Gudoomiyaha Baarlamaanka uu yahay Ku simaha Madaxweynaha, isla markaana la sheegayo in aanu qaban karin mooshin hadii uu dalka ka maqan yahay Madaxweynaha.

Xildhibaan C/naasir Gaarane oo ka mid ahaa Mudanayaashii gudbiyay mooshinka ayaa sheegay inay u dhiibeen Gudoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Jeylaani Nuur Iikar, taasna ay la macno tahay inuu Gudoonka aqbalay.
Sidoo kale Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf ayaa sheegay in mooshinkaas uusan sharci aheyn, maadaama aanay jirin cid qabatay, lana marsiin dadkii mudnaa oo ahaa Gudoonka Baarlamaanka iyo Xogheynta, si shaabad loogu dhifto, kadibna loo horkeeno Baarlamaanka.
Gudoomiye kuxigeenka labaad Mahad Cabdalla Cawad uu ka soo horjeedo mooshinkan, Kana Mid Ahaa Kooxdii Garoowe Kusogalay Heshiiskii Muranka Badan Dhaliyay isla markaana Gudoonka dhexdiisa uu ku keeni karo inay labo u kala saftaan, maadaama wali aanay jirin cid si sax ah u qabatay.

Gudoomiye kuxigeenka labaad ayaa ka mid ah xubnaha taageersan Ra’iisul Wasaaraha, waxaana laga yaabaa in muran uu ka dhasho sida ay u aqbalaan Gudoonka, waana tan kaliya ee ka horeysa in Baarlamaanka loo horkeeno mooshinkaas,

Nidaamka mooshin gudbinta ayaa ah in marka hore Gudoomiyaha iyo labadiisa kuxigeen uu soo maro mooshinkan, sida uu dastuurku qabo, taasna ay tahay culeys kale oo halkeeda ah, maadaama Xildhibaanada qaar ay ku doodayaan sharci ahaanshaha Mooshinkan.

Khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa hada saameeyay Xildhibaanada dhexdooda, iyadoo Xilidhibaanaduna ay labo garab u kala jabeen, waxaana jirta cabsi laga qabo in Baarlamaanka uu galo fowdo.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook