Nicholas Kay oo Baarlamanka Somaliya Kutilmaamay Kuwo laaluush Kuqaata Mooshinada

Wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha Somaliya Amb. Nicholas Kay, ayaa walaac darani ka muujiyay khilaafka xoogan ee ka dhex tolan Madaxweynaha Dowladda Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Dr. C/weli Sheekh Axmed Maxamed.
Wakiilka, ayaa wax aan wanaagsanayn ku tilmaamay khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha, isla-markaana uu halis ku yahay hiigsiga sanadka 2016-ka ee Somaliya, oo la doonaayo in Somaliya ay ka dhacdo afti dadweyne.

Waxa uu ku baaqay in si deg deg ah ay Madaxdu ku soo dhameeyaan waxyaabaha ay isku hayaan, si aynaan wax khatar ah ugu imaan geedi-socodka hanaanka Dowladnimo ee Somaliya.
Warbixin uu soosaaray, ayaa wuxuu ku sheegay in uu saluugsan yahay mooshin laga soo gudbiyo Ra’iisal Wasaare C/weli Sheekh Axmed Maxamed, si ay codka kalsoonida ugu qaadaan Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya.

Nicholas Kay, ayaa wuxuu walaac ka muujiyay in codadka Xildhibaanada dhaqaalo loo adeegsado, taasoo caqabad ku noqon karta horu-socodka Dowladda Federalka Somaliya, sida uu yiri.

Warbixinta waxa uu ku sheegay in Qaramada Midoobe la ogeysiin doono wax kasta, oo sababi kara siyaasad xumo, oo soo wajahda dalka geeska Afrika dhaca.

Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in xal u helida siyaasada adag ee Somaliya ka jirta, ay kala shaqayn doonaan Midowga Yurub, Igad, dalalka deriska, Mareykanka, Britain iyo Amisom.

Hadalka ka soo yeeray Nicholas  Kay, ayaa waxa uu ku soo aadayaa, iyadoo Xildhibaanada Baarlamaanka ay mooshin ka dhan ah Ra’iisal Wasaaraha ka wadaan Magaalada Muqdisho.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook