Ninka Iskaleh Kooxda Manchester City oo gacan ka geeysanaya dayactirka garoonka Bernabeu+ sawiro

Biliyoneerka iska leh kooxda Manchester City’ ayaa la sheegayaa in shirkadiisu gacan ka geeysan doonto sidii dib u dayactir heer sareeysa loogu sameeyn lahaa garoonka kooxda Real Madrid’ ee Bernabeu stadium iyadoo lacagta ku bixi doonta lagu qadaray £350million.

Sheikh Mansour oo ah Madaxa shirkadda Caalamiga ah ee Maal-gashiga iyo shidaalka ee loo soo gaabiyo (IPIC), oo fadhigeedu yahay magaalada  Abu Dhabi’ayaa ka howlgli doonta garoonkaasi,maadaama ay tahay shirkadda ugu balaaran caalamka ee howlaha dib u dhiska iyo maalgashiga,waxayna talaabadan qaadan doontaa sadexdasano ee soo socota.

Laakiin Sheik Mansour’ ayaa la sheegay ineysan arintiisa waxba u dhimeyn sharciga UEFA’ ee lahaan shaha kooxda yurub ka dhisan,sababtoo ah heshiiska maaha mid ay kulug lahaanayaan qoyska  Abu Dhabi royal family waxaana Madrid loogu dhisayaa si amaah ah iyadoo si qeyb qeyb ah hadba laga qaadayo qarashka lagula heshiiyey.

ma1 ma2 ma3 ma4

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook