Real Madrid oo qandaraaska u kordhinayso macalinka Naadigaas Carlo Ancelotti

Sida lagu sheegey war Saxaafadeed kasoo baxay Maamulka sare ee Real Madrid ayaa lagu sheegey in ay bilaawdeen wadahadalo qandaraaska loogu kordhinayo macalinka Naadigaas Carlo Ancelotti kaas oo xiligii labaad Macalin u ah kooxda Real Madrid.

Macalin Carlo Ancelotti ayaa xiligiisii koowaad waxa uu kooxdaan u qaaday 2 koob oo muhiim ah kuwaas oo kala ah  Champions League iyo Copa del Rey waxaana qandaraaska uu hada kula jiraa dhacayaa 2016 ka iyadoo Real Madrid ay dooneyso in uu Saxiixo heshiis dhacaya 2018 ka.

Real Madrid ayaa dooneysa in aysan iska sii deyn Macalinkaan waaya araga ah ee Carlo Ancelotti maadama uu yahay mid kamid ah Macalimiinta hada dunida ugu wanaagsan inkastoo ninkaan lasaaray cadaadis ba an markii 3 jeer laga badiyey bilaawgii xili Cayaareedkaan hada socda balse uu kasoo kabsaday isagoo hada hogaanka u haya Horyaalka dalka Spain isla markaana uu garaacay kooxda Barcelona kalana wareegay hogaankii markii hadana laga badiyey kulankii Sabtigii.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook