Saraakiil Mareykan ah oo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho kulamo kula leh Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisal Wasaare C/weli

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaarihiisa, C/weli Sheekh Axmed ay haatan kulan uu albaabbadu u xiran yihiin kula leh wafdi ka socda dowladda Maraykanka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Kulankan ayaa ah mid ka mid ah dadaallada ay waddo beesha caalamka oo lagu doonayo in madaxda dowladda Soomaaliya lagu saaro culeys si khilaafkooda lagu xalliyo; ayna si wadajir ah u sii wadaan howlaha horyaalla dowladda Soomaaliya.

Wakiilka gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan arrimaha Somaliya ayaa ka mid ah wafdiga ka socda Mareykanka ee la kulmayaan madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, inkastoo aan la ogeyn qodobbada kulankaan looga hadlayo.

Sidoo kale, ergeyga Qaramada Midoobay ee Somalia, danjire Nicholas Kay ayaa kulamom la yeeshay saddexda mas’uul ee dalka ugu sarreeya, isagoo kala hadlay khilaafka siyaasada taagan iyo sidoo lagu xal waara looga gaari lahaa.

Dadaallo lagu xallinayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya madaxweynaha iyo ra’iisal wasaarihiisa ayaa Muqdisho ka socda, iyadoo cadaadisyada ay ku doonayso beesha caalamka inay xiisaddan ku qaboojiso uu isaguna meel aad u sarreysa marayo, waxaana Muqdisho soo gaaray wufuud ka socda dalalka ku yaalla Qaaradda Yurub, si ay khilaafka u dhexgalaan.

Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia ayaa sheegay inay xildhibaannadii mooshinka ka keenay ra’iisul wasaaraha isku afgarteen in la hakiyo mooshinka inta dadaalka la doonayo in lagu xalliyo khilaafka madaxda sare ee dowladda.

Dhanka kale, khilaafkan ayaa hakad ku keenay howlihii dowladda Somalia, iyadoo horay ay beesha caalamku uga digtay in khilaafka uu saameyn weyn ku yeelan karo howlaha dowladda iyo horumarradii la gaaray.

Khilaafkan ayaa sababay inay laba garab u kala jabaan xildhibaannada oo qayb ka mid ah ay taageersan tahay madaxweynaha, halka qaybta kalena ay taageersan tahay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook