Steven Gerrard Waa Inuu Mushaharkiisa boqolkiiba 50 dhimo Dhimo Si Uu U Sii Joogo Liverpool.

Steven Gerrard ayaa loo sheegay inuu dhimo mushaharkiisa haddii uu doonayo inuu mustaqbalkiisa ciyaareed ku soo gabagabeeyo Liverpool, sidaasi waxaa qortay The Sun.

Wargeyska ayaa sheeganaya in kabtanka Liverpool loo soo bandhigayo qandaraas cusub oo Anfield ku heynaya inta ka dhiman waayihiisa ciyaareed laakiin waa inuu aqbalo inuu boqolkiiba 50 dhimo mushaharka 150ka kun ginni ee uu isbuucii haatan qaato.

Taas ayaana la micno ah in haddii uu Gerrard saxiixayo heshiis cusub waa inuu aqbalo mushahar 75 kun ginni ah isbuucii.

Heshiis labo sanno ah oo sharuudaas ku xiran iyo mid sannad seddexaad ah oo ku xirnaan doona qaabkiisa ciyaareed ayaa miiska loo soo saari doonaa.

Gerrard ayaa sidoo kale loo soo bandhigi doonaa inuu door tababarenimo ka qabto kooxda ama uu safiir u noqdo kooxda marka uu soo gabagabeeyo waayihiisa ciyaareed.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook