Taageere weerar ku qaaday ciyaaryahan Yuhuud ah, iyo Rabshado dheeraad ah oo beneday ciyaartii +sawiro +video

Waxaa qash-qashaad ama bened ku dhamaaday ciyaar ay wada yeelanayeen kooxo derbi ah oo yuhuuda Israaiil ka dhisan,kuwaa oo lagu kala magacaabo Hapoel Tel Aviv iyo Maccabi Hayfi,kadib markii taageere uu weerar kusoo qaaday mid kamida ciyaartoyda kooxda Maccabi,kaasi oo hore ugu ciyaari jirey kooxda kale Hapoel,waxaana dhacday in Feer iyo Haraati leysku jawaabo ciyaaryahanka iyo taageeraha gudaha garoonka.

Ciyaarta ayaa xiligaa mareysay 1-1 waxaana garsoorihii kulanka uu calaamada Guduudka u taagay ciyaaryahan Zahavi maadaama uu kajawaab celiyey feerka uu taageeraha ku bilaabay,kadibna dagaal toos ah isku qaadeen,waxaana kadib garoonka soo galay taageerayaasha,labada dhinac oo taladiina faraha ayey ka baxday sidaana lagu kala tegey.

Zahavi oo 27-sano jir ah ayaa horey ugu ciyaari jirey kooxda Iminka weerartay ee Maccabi,wuxuuna mudo 2 sano ah usoo ciyaaray kooxda Palermo ee Italia.

FEER1 FEER2

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook