Wariye Nuure Maxamed Cali oo lugta Midig laga gooyay +cod

Wariye Nuure Maxamed Cali oo xalay ku dhaawacmay qarax gaari oo baabuurkiisa lagu xiray, ayaa isla xalay Isbitaalka waxaa looga gooyay lugta midig.
Qaraxa baabuurka wariyaha loogu xiray, ayaa markii uu qarxay baabuurka waxaa dhaawac uu kasoo gaaray lugta midig oo la sheegay in gabi ahaanba ay bur-burtay.

Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho ayaa lugta looga gooyay, halkaasi oo hada xaaladiisa caafimaad lagu dabiibaayo.

Wariyaheena Xasan Axmed Abuukar (Keynaan) oo saaka ku booqday Isbitaalka dhaawaca Wariyaha, ayaa waxaa la sheegayaa in qaybta saalada saaka loo gudbinaayay Wariyaha si dabiib dheeraad ah lugta loogu sameeyo.

Majirto cid sheegatay masuuliyada qaraxan xalay lagu dhaawacay Wariye Nuur Maxamed Cali.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook