Wayne Rooneey oo shaaciyey Inuu codkiisa siin doono Cristiano Ronaldo marka lagaaro January

Kabtanka Xulka qaranka Ingiriiska iyo kooxda Manchester United Wayne Rooneey ayaa shaaca kaqaaday kan isaga lawanaagsan labada Cayaaryahan ee dunida ugu wanaagsan xiligaan ee kala ah Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.

Wayne Rooneey ayaa ku nuux nuuxsaday in Cayaaryahan Roanldo uu aad uga wanaagsanyahay xiligaan Messi waxa uuna fikirkiisa ku sababeeyey tusaalana usoo qaatay in Cayaaryahan Ronaldo oo dhaliyey Xiligaan 23 Gool isagoo saftay 17 kulan oo keliya waxa uuna isweydiiyey waxa Messi uu qabtay Xili Cayaareedkaan ee uu kula tar tamayo Cayaaryahanka dalka Portugal ee Ronaldo.

Rooneey oo ah Kabtanaka dalka England ayaa cod waxa uu ku leeyhay marka loo codeynayo laacibka ugu fiican aduunka isaga oo codkiisa usii hor mariyey Saaxiibkii ay Man United wada joogi jireen ee Ronaldo waxa uuna intaa kusoo daray Cayaaryahanku in marka lays bar bar dhigo labadaan Cayaaryahan uu ninkan 29 jirka ah ee Ronaldo uu dhan waliba uga wanaagsanyahay Messi waa sida uu aaminsanyahay Rooneey.

Dad badan oo dunida ah ayaa aaminsan in Sanadkaan laacibka aduunka lasiin doono mid kamid ah Cayaaryahandii Jarmalka u qaaday koobka aduunka waana sida horay looga bartay xiliga lacayaaro koobka aduunka in lasiiyo dalka koobka qaaday balse cayaaryahanada Ronaldo iyo Messi ayaan ka rajo dhigi doonin in ay helaan jaa isadaas.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook