Wiilkii xubinta taranka ragga isaga jaray Magaalada Muqdisho oo geeriyooday+ video

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Allaha u naxariistee Saalim Bille Xersi, ka dib markii uu saddex toddobaad ka hor uu Magalaada Muqdisho isaga gooyay xubintiisii taranka.
Saalim oo xagga maskaxda ka xanuunsanaayay, ayaa ku geeriyooday Isbitaalka Madiina ee Degmada Wadajir, xilli lagula tacaalaayay xaaladiisa caafimaadeed.

Ehelada ninkaan, ayaa waxay sheegeen in uu u geeriyooday daryeel la’aan, xilli waxba looga qaban waayay goobaha caafimaadka ee Magaalada Muqdisho, loona baahday in loo qaado caafimaad dibadda ah.

Samsam Maxamed oo ka tirsan ehelada ninkaan, ayaa waxay sheegtay inaanu helin taageeradii uu doonaayay, ugu dambeena uu maanta xaalad xumo ugu geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Dowladda Somaliya, ayaan ka jawaabin codsi kaga yimid hooyada dhashay marxuumka oo lagu magacaabo Ardo C/laahi Colaad, taa oo ka codsatay in caafimaad dibadda ah loogu qaado, si uu u helo caafimaadkii uu u baahnaa.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook