Xildhibaanadii Mooshinka Oo Weli Ku Adkaysana GO Aankooda +COD

Waxa goordhaw magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya kulan xasaasi ah ku yeeshay xildhibaano ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaa oo ah xubnihii Mooshinka ka keenay Ra’iisul wasaare Cabdiweli.

Xildhibaanada madasha kulanka kasoo muuqday waxaa ka mid ahaa.

1- Cabdinaasir Gaarane

2- Cabdiqaadir Cosoble

3- Daahir Amiin Jeesoow

4- Caasho Koos Maxamuud

5- Carashiid Xidig

6- Tahliil Cabdi Maxamed

7- Biibi Khaliif Cumar

8- Axmed Aadi Aadan

iyo sidoo kale xildhibaano kale oo madasha Goobjoog ka ahaa, waxaana hadalo adag oo ay jeediyeen ku sheegeen in gudoonka Baarlamaanka Beri ay ka sugayaan inuu keeno Mooshinka.

Xildhibaanadaan ayaa sheegay sidoo kale in wax gor gortan ah aan laga geli doonin arintaan ku aadan Mooshinka, islamarkaana ay iyagu ka go’an tahay meesha inay ka saaraan Cabdiweli Sheekh Axmed.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook