Xildhibaano ka soo horjeestay Dhismaha Maamulka 3 Gobol+ COD

Xildhibaano ka soo jeeda Gobolada Baay iyo Bakool oo Magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay ayaa ka horyimid Dhismaha Maamulka Saddexda Gobol Ee Koofur Galbeed,kaas oo Dhismihiisu uu ka soconayo Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Xildhibaanada Kulanka yeeshay ayaa waxaa kamid ah Xildhibaan Aadan Madoobe,Xildhibaan Afaraale iyo Xildhibaan Mursal,waxaana ay sheegeen in Maamulka loo dhisayo Gobolada Baay,Bakool iyo Shabellaha Hoose uu yahay mid Sharciga ka soo horjeeda oo aan ku saleysneyn Rabitaanka Dadka Goboladaasi daga.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayey ku Dhaliileen in ay Faragalin Qaawan ku hayso Dhismaha Maamulka Goboladaasi oo ay dooneyso  inay Dadka Dhibaato ay ka dhex Abuurto.

Shalay Magaalada Baydhao shirka ka dhacay  waxaa loagu go’aamiyay in Caasimadda Maamulka Saddexda Gobol ee Koofur Galbeed ay noqoto Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook