3 October oo ladooran doono Gudoomiyaha Cusub Ee Baaralamaanka Galmudug

Maanta oo ay Ku beegneyd Xilligii Loo Ballansanaa inay dhacdo Doorashada Gudoomiyaha Cusub Ee Baarlamaanka Galmudug ayaa waxaa ku yimid Dib udhac.

Garabka Galmudug Ee Fadhiya Dhuuso mareeb ayaa qaban qaabiyey Mar kale qabashada Doorashada Afhayeenka Badelay Cali Gacal Casir oo ay sheegeen dhawaan in Xilka ka qaadeen.

Gudiga Doorashadaasi qaban qaabada wada waxaa Gudoomiye u ah Xildhibaan Sayid Maxamed Xaashi Maxamed waxa uu sheegay in Xubnihii Aqalka Sare Ee Dh/mareeb joogay ay hakad geliyeen howshooda maadaama ay xal raadin ku jireen.

Waxa uu Gudiga sheegay in Shaqadii ay qabsan lahaayeen oo doorashada la qaban lahaa ay Ku mashquuleen la kulanka Gudigaasi Cabdi Qeyb diid Horkacayey balse ay Arbacada isbuuca Dambe doorashada qaban doonaan 3 Bisha October.

Galmudug ayaa weli ku kala jaban Siyaasadeeda Hogaanka sare,iyadoo Cadaado iyo Dhuuso mareeb Xarumo kala kala dhigtay Xubnaha is haya,xilli Sanadkii hore 2017 sidaan oo kale Khilaaf dhacay ay usheeko ekeyd tan hadda jirta oo xilalka la iska qaaday balse ay socon weyday.

Dawlada Soomaaliya gaar ahaan Golaha Aqalka Sare ayaa waxa ay sheegeen inay Xalinayaan Xasarada Siyaasadeed Ee Dawlad Gobolleedyada iyo DF-ka balse waxaa Galmudugta Is haysa Shir iskugu yeeray Madaxweyne Farmaajo wakhtigii loo ballamayna waa uu qabsoomi waayey markii Xaaf uu diiday inuu yimaado Shirkaas.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook