Axmed Madoobe oo Weerar la yaab leh ku Qaaday Dawladda Soomaaliya

Hoggaamiyaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe, ayaa mar kale ka hadlay awoodaha ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ku yeelanayaan guud ahaan dalka, gaar ahaan Gobolada uu maamulo.

Axmed Madoobe, ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay in lagu laayo ama lagu xasuuqo Hub ay dowlada Somalia si dadban u siisay Al-Shabaab.

Waxa uu xusay in Al-Shabaab ay si dhaqso ah ku helaan hubka iyo Saanada dowladda loogu deeqo sidaasi darteedna aysan macquul ahayn in Al-Shabaab laga guuleysto.

Waxa uu tilmaamay inuu qaadan la’yahay in Hubka dowlada ay leedahay ay maanta isticmaalayaan Al-Shabaab, isla markaana ku gumaadayan dadka shacabka ah, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay in dowlada Somalia ay si cad uga gaabisay dagaalka lagula jiray Al-Shabaab, hase yeeshee uusan garan Karin ujeedka ku hoos duugan weerar qaadis la’aanta.

”Dowladu waxa ay dhagaha ka fureysatay qeyla dhaanteena waxaan u sheegeynaa in dusha aysan saran karin libin aan gaarnay”

Deegaanada maamulkiisa ayuu tilmaamay in inta ugu badan ay ku jirto gacanta Al-Shabaab, waxa uuna eedaasi dusha ka saaray dowlada Somalia oo indhaha ka qabsaneysa gafka Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook