Barcelona oo bareejo 1-1 ah lagashay kooxda Athletic Bilbao +SAWIRRO

Kooxda Kubada Cagta Barcelona ayaa ka bad baaday Markii labaad oo xiriir ah in laga badiyo kadib markii ay bareejo 1-1 ah lagashay kooxda Athletic Bilbao oo marti ugu ahayd Garoonka Camp Nou.

Athletic Bilbao ayaa Goolka kala Hor martay Barcelona waxaase u bareejeeyey Cayaaryahan Munir El Haddadi oo badel kusoo galay cayaartaan waxaana uu ka bad baadiyey Macalin Ernesto Valverde Guuldaro kale oo Xanuun badan.

Ernesto Valverde ayaa keydka geliyey Cayaaryahanka Hogaamiya Barcelona ee Lionel Messi kaas oo uu badal ku keenay 54 daqiiqo isbadal ayuu sameeyey balse kuma Guuleysan in uu Gool dhaliyo waxaana uu garoonka ka baxay isaga oo ladoodaya Garsooraha oo Markii danbe Jaale isaga aamusiyey.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook