Burco odayaal ee deeyay Qalbi-dhagax oo laxiray +VIDEO

Wararka naga soo gaadhay magaalada burco ee Xarunta Gobolka Togdheer ayaa waxay sheegayaan in Xukuumadda somaliland ay Halkaasi ku xidhay Laba Nin oo kamid ah Odayaasha deegaanka, Kuwaasi oo dhowaan Eedaymo kala duwan usoo jeediyey Cabdikariim Muuse ( Qalbi-dhagax) iyo jabhadda ONLF.

Odayaashan oo Shiray Magaalada Burco ayaa sheegay in Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax inuu Dhibaato u Gaystay Xiligii uu Dagaalka kula Jiray Dawlada itoobiya, waxayna Xuseen inuu Qalbi-dhagax uu Gaadiid ka Gubay Xiligaas Waxaana ay sheegeen in uu Dhibaato u Gaystay.

Nin Adduunyo Joogoow maxaa Aragti kuu laaban : Shalay ONLF Cidii ka tirsan iyo Cidii laga Maqlo inay taageerto Somaliland way Xidhi Jirtay, Halka maanta Qofkii wax ka sheega ONLF lagu xidhayo Somaliland.

Cabdikariin Qalbi-dhagax oo dhowaan soo gaadhay magaalada Hargeisa, Islamarkaana la kulmay Masuuliyiin kala duwan ayaa sheegay in aanu booqanayn magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka, Wuxuu kale u mahadceliyay baarlamaanka Soomaaliya hase ahaatee wuxuu yidhi ma doonayo inaan arko qolada kale (Qolada kale magacooda ma sheegin).

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook