Dr Baadiyow Oo Eedeyn U Jeediyay Siyaasiyiinta Soomaaliyeed

Dr Cabdiraxmaan Macalin Cabdullaahi Baadiyow oo ah la taliyaha dhinaca dib u heshiisiinta xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday Muqdisho ayaa sheegay in muddo dheer siyaasiinta ay ku marin habaabinayeen Shacabka Soomaaliyeed in ay isku dirirsan yihiin Qabiil, isagoona meesha ka saaray arrintaasi.

Dr Baadiyow ayaa ku eedeeyay Siyaasiinta Soomaaliyeed in danahooda Siyaasadeed ay u isticmaalayeen shacabka Soomaaliyeed.

Waxaana uu carabka ku dhuftay in colaada dhexmarta Beelaha Soomaaliyeed ay ka dambeeyaan shaqsiyaad siyaasiin ah, kuwaasi oo hurinaya colaadaha Beelaha

Sidoo kale Dr Baadiyow waxa uu intaasi ku daray in lagama maarmaan ay tahay in dib u heshiin dhab ah ay helaan bulshada Soomaaliyeed, wuxuu hoosta ka xariiqay in heshiiska uu ka bilaabanayo Qoyska, kadibna in laga shaqeeyo diriseynta.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook