Ogoow Xildhibaanadii maanta aan soo xaadirin kalafadhigii Baarlamaanka +VIDEO

Kulan lagu waday in ay maanta yeeshaan Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa u baaqday kooram la’aan.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa xalay lagu wargeliyay inuu jiro kulanka baarlamaanka maanta oo Arbaco ah, islamarkaana ajandaha kulankana uu yahay sii wadista ka doodista xeer hoosaadka baarlamaanka.

Lama oga sababta ay xildhibaano ku filan inuu buuxsamo kooramka u soo xaadiri waayeen hase yeeshee waxaa hore u dhacday in sidan oo kale uu u baaqdo kulamada xildhibaanada baarlamaanka golaha shacabka.

Xildhibaano badan oo ka tirsan Baarlamaanka ayaa ka mid noqday golaha wasiirada xukuumada waxayna taaso habacsanaan ku keeni kartaa kulamada baarlamaanka sida ay qabaan qaar ka mid ah dadka falanqeeya siyaasada dalka Soomaaliya.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook