West Ham oo 3-1 kuxasuuqday Man United+SAWIRRO

Kulan goor dhow soo dhamaaday una dhaxeeyay kooxaha West Ham United iyo Man United ayaa waxaa kasoo baxay natiijo lama flaan ah.

West Ham oo garookeeda joogta ayaa guul raaxo leh ka gaartay kooxda Man United oo galabta soo bandhigtay ciyaartii ugu xumeeyd.

Cayaarta oo guud ahaan ay maamulkeeda iska laheed kooxda West Ham ayaa kusoo dhamaatay 3-1 oo lagu gaaracy kooxda Man United.

Goolasha West Ham oo laba kamida yimid qeybtii hore ee ciyaarta ayaa waxaa kala dhaliyay xiddigaha kala ah, Felipe Anderson iyo Victor Lindelof oo gool iska dhaliyay, sidaas ayaa lagu baxay qeybta hore 2-0.

Qeybta labaad waxaa halkedii kasii socday kubaddii quruxda badneyd ee West Ham oo inta badan kubadda heysatay iyo United oo dhan walba ka xumeed, Difaac ma jirin oo Qad dhexe ma jirin Weerarna isakaba daa.

Waxay socotaba Man United ayaa goolkeeda agoonka ah la timid waxaana u saxiixay, Marcus Rashford lakiin 3-daqiiqo kadib waxaa mar kale Unitd dhibka kusii badiyay Marko Arnautovic oo ciyaarta ka dhigay 3-1.

Guud ahaan ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay sidaas oo guusha ay ku raacday West Ham oo sidaasna ku qaadatay Seddexda dhibcood.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook