Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta kulmaya, kaddib kulankii baaqday ee Arbacadii

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta oo Sabti ah yeelanaya kulankooda caadiga ah, iyagoo mar kale ka doodaya dib u eegista Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka.

Kulankii Arbacadii la soo dhaafay ayaa baaqday, kaddib markii uu kooram la’aan u furmi waayay, tiradii loogu tala galay inuu ku furmo fadhiga ay soo xaadiri waayeen.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ku wargeliyay Xildhibaanada maqan ee fasaxa ka dhamaaday inay soo xaadiraan, isla markaana wixii hada ka dambeeya lala xisaabtami doono Xildhibaanada.

Sidoo kale Guddoonka Golaha Shacabka ayaa markii u horeysay xaadiriyay liiska Xildhibaanada maqan, taasoo u aheyd arrin ku cusub Baarlamaanka in la shaaciyo magacyada Xildhibaanada fadhiyada baarlamaanka ka maqan.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook