Jaamac Shabeel”Madaxwaynaha Diinta Ayaanu Isku Haysanaa” +VIDEO

Guddoomiyihii xisbiga talada haya ee Maamulka Somaliland Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel ) ayaa ku tilmaamay xil ka qaadis ay ku sameeyeen golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye inuu yahay sharci darro.

Wuxuuna sheegay in xilka guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye ay banana tahay oo aan wali la dooran xisbiguna aanu ansixinba Axmed Cabdi Dheere, sidaas darteedna aanu sharci u lahayn in uu isugu yeero xubnaha gudiga fulinta oo isla mar ahaantaasna ay go’aanno qaataan.

“Waxaanu isku haynaa Muuse Biixi Diintii Islaamka, Waxaana ka Hor imid Xeerka Kufsiga ee uu dhaqan geliyey oo Diinta ka hor imaanaya, Hadii Awoodayda ay dhaafto Suuratul-Nuur ayaan u daayey Halka ay iskula soo dhacaan “ Ayuu yidhi.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook