Maamulka Hirshabeelle oo walaac ka muujiyay in Balcad lagu daro Muqdisho

Maamul Goboleedka Hirshabeelle ayaa walaac ka muujiyay qorshaha ballaarinta Caasimadda Muqdisho, taasoo la doonayo in la gaarsiiyo Labada Wabi ee Afgooye iyo Balcad.

Afhayeenka Maamul goboleedka Hirshabeelle Daa’uud Xaaji Cirro ayaa sheegay in arrintan ay ka hor imaaneyso dastuurka Hirshabeelle, isla markaana cabashadooda arrintan la xiriirta ay u gudbiyeen Guddiga Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.

“Arrinku saabsan ballaarinta Caasimadda Muqdisho iyo in lagu daro degmada Balcad waxay ka hor imaaneysaa Dastuurka Hirshabeelle, waxaana cabashadaas Madaxda dowlad Goboleedka Hirshabeelle u gudbiyeen Guddiga Aqalka Sare”ayuu yiri Daauud Xaaji Cirro.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng. C/raxmaan Yariisow ayaa maalin ka hor la kulmay Guddiga Madaxa Banaan ee xuduudaha iyo Federaalka, iyagoo ka wada hadlay ballaarinta Caasimadda Muqdisho.

Eng. Yariisow ayaa tilmaamay baahida loo qabo in Muqdisho ay sii ballaarato, maadaama xiligan ay ku nool yihiin tiro aad uga badan waqtiyadii hore, isagoo xusay in bulshada Caasimaddu ay tallo ahaan u soo jeediyeen in la gaarsiiyo labada Wabi ee Balcad iyo Afgooye.

Sanadkii 2014 ayay aheyd markii muran xuduudeed uu soo kala dhex galay Maamulka Koofur Galbeed iyo Caasimadda Muqdisho, kaddib markii maamulka Gobolka Banaadir uu burburiyay tabeelo laga taagay agagaarka deegaanka Jaziira oo muujinayay inay ka tirsan tahay Maamulka Koofur Galbeed.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook