Maraykanka oo lagu amray inuu cunoqabataynta ka qaado Iran

Maxkamadda caalamiga ee caddaaladda ayaa amar ku siisay Mareykanka inuu ka dabciyo Iiraan cunaqabataynta cusub uu kusoo roggay dalkaasi kaddib markii uu ka baxay heshiiskii nukliyerka, iyadoo dowlada Iran ay soo dhoweysay go’aanka ay gaartay maxkamada.

Maxkamadda waxay sheegtay in badeecadaha gargaarka sida cunada iyo dawooyinka loo ogolaado in loo dhoofiyo dalka Iiraan.

Maxkamadda ICJ waxay sheegtay inaysan awood u lahayn inay ka hadasho khilaafka Iiraan iyo Mareykanka maadaama uu khuseeyo ammaanka qaranka, Mana laha maxkamada awood ay ku fuliso go’aanada ay gaarto.

Maxkamadda ICJ oo u fadhigeedu yahay magaalada Hague ayaa Qaramada Midoobay u qaabilsan xallinta khilaafaadka arrimaha sharciga ee hareeya dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay.

“Go’aanka waxa uu cadeynayaa markale in Jamhuuriyada Islaamiga ah ay sharci ku joogto balse dowlada Maraykanka cunoqabataynta ay na saartay uu yahay mid sharci darro ah isla markaana xaasidnimo ku jirto.”ayuu lagu yiri war ka soo wasaarada arrimaha dibadda dalka Iran.

Hase yeeshee, go’aanka ay gaartay Maxkamada Caalamiga ayaa ah mid ay dowlada Iran ku dooneysay in loogaga qaado dhammaan cunoqabataynta uu Maraykanku ku soo rogo.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook