Wararkii ugu dambeeyay Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho +sawirro

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan Qarax ka dhacay Agagaarka Wasaaradda Difaaca Soomaaliya oo ku taalla degmada Dayniile.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka dhacay Aargada degmada xilli ay halkaasi maraayeen Gaadiid la sheegay in ay leeyihiin Ciidamo Talyaani ah oo kasoo baxay Wasaaradda Difaaca oo aan halkaasi ka fogeyn.

Qaraxa oo ahaa mid xooggan ayaa la sheegay in uu geystay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana goobjoogayaal ay xaqiijiyeen in waxyeeladda ugu badan ay soo gaartay dad Shacab ah.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa Ismiidaamin.

Xilliga uu Qaraxu dhacay ayaa la sheegay in Aargada Dayniile ay aheyd Mashquul,Maadaama Iskuullada halkaasi ku yaalla Ardeyda dhigata badankooda lasoo Fasaxay.

Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu Qaraxu ka dhacay, waxaana guud ahaan ay xireen Wadooyinka soo gala Wadada uu Qaraxu ka dhacay.

Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in dhaawacyo ay soo gaareen labo Carruur ah oo goobta Maraayay, sidoo kalena uu jiro waxyeelo soo gaartay Ciidankii Caddaanka ahaa ee Qaraxa lala eegtay.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook