Xisbiga dowladda ee Nabad Iyo Nolol oo dhowaan lagu dhawaaqayo

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta tagay Xarunta Guddiga doorashooyinka madaxa banaan, halkaasoo uu ka soo qaatay xeerka asxaabta siyaasadda iyo shuruudaha diiwaan gelinta Xisbiyada siyaasadeed.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Mahad Guuleed ayaa sheegay inuu u tagay Xarunta Guddiga, si uu u guddoom xeerka asxaabta siyaasadda dalka, si loo waafajiyo Xisbiga dhowaan lagu dhawaaqo doono.

Xisbiga talada dalka haya ayaa la filayaa in dhowaan lagu dhawaaqo, iyadoo in muddo ah soo socotay diyaar garowga Xisbiga dowladda ee Nabad Iyo Nolol oo la filayo inuu hoggaaminayo Madaxweyne Farmaajo.

Labo maalin ka hor ayay aheyd markii magaalada Muqdisho looga dhawaaqay Xisbi siyaasadeed oo ay ku mideysan yihiin Xildhibaano iyo Siyaasiyiin, isla markaana uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore Xasan Sheekh.

Soomaaliya ayaa u gudbeysa nidaamka xisbiyada, iyadoo dhamaadka sanadkan ay ku egtahay waqtiga diiwaan gelinta Xisbiyada siyaasadda dalka, waxaana doorashada sanadka 2020 ay noqon doontaa mid Xisbiyo ay ku tartamaan.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

One thought on “Xisbiga dowladda ee Nabad Iyo Nolol oo dhowaan lagu dhawaaqayo”

  1. origino says:

    magaca nolol iyo nabadwaxaad ku badalaynaa balaayo iyo burburin,waxaa la yaab leh dadka soomalida oo maalin walba dhimanayo haweenka iyo caruurta cudur iyo gaajo dileyso dhalinyarada markay waxbarashada dhameystaan shaqa laaan awgeed tahriibayaan. dowladdan hadda jirta wax la taaban karo oo aay ka qabatay jirin in ololo doorasho la bilaabo waxay idin tusaysaa(1)raggani inay yihiin dad soo shaqa tagay oo danahooda u yimid si xoolo iyo mansab ku helaan(2) inaysan ahayn dad caruurta baahan ee cudurku duleystay u naxayo caruurtoodana ay joogaan wadama galbeedka oo ay wax ka baranayaan jaamacada ugu qaalisan(3) waxaa iiga muuqataa ifafaale kali talis oo waliba dowlada shisheeye sida khadar ay maal galinayso. iyadoo magaalada caasimada maalin walba dad somali ah ku dhimanayaan nabad galyo xumo awgeed in ololo doorasho 2020 la bilaabo halkaa ayaa wax kasta fairaysaaa waa adoo kareetada hor dhigay dameerkii jiidi lahaa.ayadooon laba sano gaarin iny bilaabaan ololahan waa nasiib darrada ka haysata dadka somaliyeed xagga hogaanka

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook