Xisbigii cusbaa ee Xasan Sheekh oo lagu qasbay inay bedelaan magacooda

Iyadoo dhowaan Muqdisho looga dhawaaqay Xisbi uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa caqabadihii u horeeyay ee Xisbigaas la kulmay ka mid ahaa in lagu qabsaday magaca ay qaateen.

Xisbiga Xasan Sheekh oo lagu magacaabayay Midowga Nabadda iyo Dimoqraadiyada ayaa waxaa dacwad ka gudbiyay C/llaahi Sheekh Xasan oo sheegay inay xadeen magaca Xisbi uu sameeyay sanadkii 2011 oo lagu magacaabo Midowga Nabadda iyo Dimoqraadiyadda Soomaaliyeed SPDU, isla markaana uu Maxkamad la tiigsanayo.

Magaca la qaatay ee Xisbiga loogu wanqalay ayaa ahaa Midowga Nabadda iyo Dimoqraadiyadda UPD, oo ay ku bahoobeen Xisbigii Daljir, Kutlada Horusocod oo ay ka mid yihiin inta badan Xildhibaanadii Qabyo.

Labada magac ayaa isaga ekaa marka loo eego af Soomaali ahaan, waana tan uu ku doodayay C/llaahi Sheekh Xasan in la qaatay magacii Xisbigiisa, balse marka loo fiiriyo xuruufta laga soo gaabiyay qoraalka English-ka aanay is laheyn.

Waxaa Xisbiga laga bedelay mid ka mid ah xuruufta oo ay isaga ekaayeen Xisbiga uu aas aastay C/llaahi Sheekh Xasan, iyadoo loo bedelay Midowga Nabadda iyo Horumarka (Union For Peace and Development- UPD), waxaana magac ahaan uu u dhow yahay Xisbigii PDP uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh sanadkii 2011.

Si kastaba ha ahaatee maalinta Khamiista ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka dhaco Munaasabad lagu daah-furayo Xisbiga, laguna caleema saarayo Guddoomiyaha KMG Xisbiga oo dhowaan loo doortay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook