Khayre oo 15 saac kadib katacsiyeeyay qaraxdii shalay

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa fal celis adag kala kulmay, kaddib markii ku dhowaad 15 saacadood kaddib uu barta Twitter-ka ee Xafiiska uu soo dhigay qoraal tacsi ah qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho.

Dad kala duwan ayaa si adag uga fal celiyay qoraalkaas, waxaa dadka qaarkood ay Ra’iisul Wasaaraha weydiinayeen su’aalo kala duwan halka ay ku dambeysay isla ixsaabtanki, in aan tacsi kaliya loo baahaneyn ee ficil loo baahan yahay dhaliilo kala duwan oo laamaha amniga loogu jeediyay habacsanaanta dhanka amniga ah.

Sidoo kale Waxaa Ra’iisul Wasaaraha lagu dhaliilay in 15 saacadood ku qaadatay inuu qaraxaas kaga hadlo, iyadoo Madaxda dowladda Soomaaliya ay saacado gudahood uga hadlaan haddii wax ka dhacaan caalamka ama dhambaalo loo dirayo Madaxda dalalka adduunka ee doorashooyinka ku guuleysta.

Qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho oo ahaa 3 baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa khasaarooyin fara badan ay sababeen, iyadoo dad ka badan 40 ruux ku dhinteen, halka boqol kalena ay ku dhaawacmeen.

Waa qaraxii ugu khasaaraha badnaa ee Muqdisho ka dhacay, kaddib qaraxii weynaa ee sanad ka hor 14 October ka dhacay isgoyska Zoobe.

Waxaan tacsi u dirayaa ehelada dadkii ku geeriyooday qaraxa ay argagixisadu la beegsadeen dadkeenna. Sidoo kale waxaan caafimaad u rajeynayaa dhwaacyada. Hay’adaha amniga waxaan farayaa dardargelinta fulinta qorshaha amniga caasimadda ee ku xusan Tubta Amniga iyo Caddaalada.

— SomaliPM (@SomaliPM) November 10, 2018

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook