Shirkii Bahar Dar oo War murtiyeed laga soo saaray

Waxaa goor dhow soo dhamaaday shir saddex geesood ahaa oo Madaxda dowladaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea uga socday magaalada Bahar Dar ee dalka Itoobiya, iyadoo madaxda ay qaateen wada tashiyo qoto dheer oo saacado badan qaatay.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa shirkooda labaad diiradda ku saaray is bedeladii taariikhiga, nabadda iyo is dhex galka Gobolka Geeska Afrika.

Sidoo kale waxay Madaxda dib u eegis ku sameeyeen heshiiskii iskaashi ee ay bilo ka hor ku kala saxiixdeen magaalada Asmara, horumaradii iyo guulihii laga gaaray.

Madaxda ayaa waxay isla garteen muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo madax banaanida, dhuleed, mid siyaasadeed ee Soomaaliya, waxay muujiyeen taageeradooda adag ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed iyo hey’adaheeda, waxay kaloo ammaaneen dadaalka dowladda ugu jirto soo celinta nabadgelyad iyo xasiloonida

Madaxda saddexda dal ayaa soo dhoweeyay dadaalada la doonayo in cunaqabateynta looga qaado dalka Eritrea, taasoo lagu wado in dhowaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey uu ka qaado cunaqabateyntii saarneyd dalkaas.

Halkan hoose ka akhriso war murtiyeedka

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook