Kismaayo oo lagu qabtay 28 KG oo Xashiish ah +SAWIRRO

1174

Ciidamada Booliska dowlad goobleedka Jubbaland ayaa inta badan waxey sameeyaan Howl-gallo ka dhan ah waxyaabaha maanka dooriya kuwaas oo la isku dayo in si dhuumaaleysi ah loo soo galiyo gudaha magaalada Kismaayo.

Howl-galkii ugu danbeeyay oo ay xaley sameeyeen waxaa ay Boolisku ku soo qabteen Nin sidey 28 KG oo ah waxyaabaha maanka dooriya ah,waxaana isla maanta lagu soo bandhigey xarunta Booliska Jubbaland.

Ciidanka ayaa howlgalkaan ka fuliyay Magaalada Kismaayo, waxaana sidoo kale ay gacanta kusoo dhigeen Kooxihii soo galiyay Magaalada Waxyaabaha Maanka dooriya.