Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Garoowe

400

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta waxa ay ku wajahanyihiin Magaalada Garoowe ee xarunta u ah Maaamulka Puntland.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Garoowe kaga qeyb galayo Munaasabad lagu caleemasaarayo Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, waxaana lagu wadaa in halkaasi uu Madaxweyne Farmaajo ka jeeediyo khudbad.

Maalinimadii shalay aheyd ayaa waxaa gaaray Magaalada Garoowe wafdi hor dhac ah oo isusu jiray Wasiiro, Xildhibaano iyo siyaasiyiin oo Madaxweyne Farmaajo kaga sii hormaray Garoowe.

Sidoo kale Garoowe waxa ku sugan Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, iyo Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo aad dolwadda dhexe u dhaliila.