DAAWO SAWIRADA: R/wasaare Kheyre oo si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Nairobi

443

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi ballaaran oo hoggaaminaayo ayaa gaaray Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.

Waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha dibadda dalka kenya , waxaana loo galbiyay xarunta Madaxtooyadda Kenya.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa casuumaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta, iyaga oo ka wada hadli doona xiriirka Labada Dowladood iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo siyaasadda ee Labada Dal.

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxa ka dhaxeeya xiriira qoto dheer uu ku saabsan dhinacyada amniga, is-kaashiga dhaqaalaha.