Xildhibaan lagu doortay Magaalada Baydhabo

505

Doorasho ka dhacday Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa lagu doortay Xildhibaan cusub oo ka mid noqonaya Golaha Shacabka Somaliya.

42 Ergo oo codeysay, ayaa dooratay C/laahi Sheekh Maxamed oo helay 35 cod, sida uu sheegay xubin ka mid ah Guddiga oo ku dhawaaqay Natiijada Doorashada.

Laba ka mid ah codadkii la dhiibtay ayaa halaaway, waxaa kale oo laba cod helay C/qaadir Sheekh Maxamed Nuur.

Guddiga ayaa sheegay in C/laahi Sheekh Maxamed uu yahay Xildhibaanka la doortay ee Ergada ay doorteen.

Xildhibaanka la doortay ee aan wali la dhaarin, ayaa ka mahadceliyay sida ergada ay u doorteen, islamarkaana wuxuu sheegay Wakiilnimada shacabka ee uu helay inuu si dhab ah ugu shaqeyn doono.

Xildhibaanka Kursigaan ka geeriyooday, ayaa lagu magacaabi jiray Marxuum Xildhibaan Khaliif Sheekh C/laahi Dheere oo xanuun ugu geeriyooday 28/April/2018 Magaalada Muqdisho.

Musharaxiinta tartameysay ayaa kala ahaa & laba madasha ka maqnayd.

1. Isaaq Khaliif Sheekh
2.C/qadir Shekh Maxamed Nuur
3.Xasan Macallim Ibraahim
4.C/laahi Shekh Maxamed