Dowladda Somalia oo inkirtay inay xaraashayso shidaalka somaliya +COD

473

Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay walaaca laga qabo shir ku saabsan sahminta shidaalka Soomaaliya oo ay bisha Febraayo horaanteeda ku qabaneyso London.

Shirkaas waxaa hareeyay su’aalo badan oo qaarkood sheegaya in si xaraash ah lagu bixinayo ruqsadda shidaal baarista Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ay sheegtay in shirkaasi uusan aheyn mid lagu bixinayo shatiyada shidaal qodista Soomaaliya.