Abwaan Baarlerex oo galabta geeriyooday

543

Allaha u naxariistee waxaa galabta Isbitaal kuyaala dalka Hindiya ku geeriyooday Abwaan Cabdulaahi Xirsi Baarlerex oo kamid ah Abwaanada Soomaaliyeed ee sida weyn u caan baxay.

Abwaan Baarleex oo in mudo ah ku xanuunsanaa magaalada Hargeysa ee caasimada maamulka Soomaaliland ayaa daaweyn caafimaad loo geeyay dalka HIndia oo galaba uu ku geeriyooda.

Allaha u naxaristee Abwaan Cabdulaahi Xirsi Baarlerex ayaa caan ku ahaa suugaanta gaar ahaan dhaantada tirinteeda iyo ciyaarteeda, waxa uuna ahaa abwaan si weyn sare ugu qaadayay dhaqanka Umada Soomaaliyeed.