DAAWO:-“Ilhaan Cumar ayaa ka Ragganimo Badan Dhammaan Madaxda Carabta ”

442

Suxufiga iyo Qoraaga Caalamiga ah ee Cabdi-baari Cadwaan ayaa Isbarbar dhig ku sameeyay Hogaanka dalalka Carabta iyo Gabadha Soomaaliyeed ee Ilhaan Cumar oo ka tirsan Kongarayska Maraykanka.

“Bal eega Gabadha Ilhaan Cumar Soomaaliyadda Carbeed, waxay hor istaagtay Yuhuuda, waxay Cambaaraysay Dhibaatada iyo Cunsuriyadda Israa’iil , mana aha mid ay Cabsi geliyeen Weerarka lagu hayo, Taariikh Cusub ayay ka Samaysay Maraykanka, Taasi waa Ilhaan Cumar oo ka Raganimo badan Dhammaan Hogaamiyeyaasha Carbeed.

Bal i tusa Xitaa Hogaamiye ama Wasiir Carbeed oo ka hadlaya Dhibtaada ay Gaysatay Israa’iil, Sababtoo ah Way Cabsanayaan.

Balse waxaa jira Jiil dhalinyaro ah oo u dhaqaayay Xoriyadooda iyo Karaamadooda, waana u mahad Celinayaa.” Ayuu yidhi.